Skip to main content Skip to footer

Soomaalida

Stjørdal iskuulka dhaqanka waa adeeg degmadeed, oo bixiya waxbarid xagga muusiga, qoob ka ciyaarka, masraxa iyo farshaxaanka muuqaalka. Waxbarashada waxaa loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada ilaa 20 jirka, ee ku nool degmada Stjørdal. 

Waxbarashadu waxay ka dhacdaa dugsiyada degmada, iyo guriga dhaqanka Kimen ee ku yaal bartamaha Stjørdal. Waxbarashadda toddobaadlaha ah ka sokow, ardaydeenu waxay sidoo kale ka qaybqaadan doonaan riwaayadaha iyo bandhigyada hoos yimaada iskuulka dhaqanka. 

Dhammaan waalidiinta waxay bixiyaan kharashka ardayda (hoos eeg), ardayda qoob-ka ciyaarka, riwaayadaha iyo farshaxaanka muuqalka waxay sidoo kale bixiyaan kharash agab ah oo daboolaya, sida dharka iyo aqabka kale ee la qaybiyey. 

Waxaan siinaa qiimo dhimis ardayda dhigata dhowr fasal, iyo walaalaha.  

Waxaan haynaa qalab kiro ah, oo ay ugu badan yihiin biibiile iyo violin. 

Mararka qaar, waxaan qaadanaa ardayda qaangaarka ah ka weyn 20 sano). Ardaydani waxay bixiyaan laba jibaar kharashka waxbarashada. 

 

Waaa suurtogal in la codsado lacag bixin la dhimay iyadoo lagu salaynayo wadarta dakhliga qoyska. Macluumaadka arrintan ku saabsan waxaa la heli karaa bilowga simistar kasta. 

 

Liiska qiimaha:  

Kharashka ardayga 2297 kr 

Kharashka ardayga, riwaayadaha qoob ka ciyaarka iyo farshaxaanka muuqalka 3387 kr 

Qiimo dhimis qofka dhowr fasal dhigta/walaalaha -524 kr 

Lacagta aqabka (riwaayadaha, qoob ka ciyaarka farshaxaanka muuqalka) 154 kr 

Kharashka ardayda, dadka waaweyn 4596 kr 

 

Dhammaan qiimayaasha waxay khuseeyaan halkii simastar. 

 

Macluumaadka xirriirka: kulturskolen@stjordal.kommune.no 

Ka codso boos halkaan: https://nostjoerdal.speedadmin.dk/registration#/ 

Boggeena: Hoyga | Stjørdal iskuulka dhaqanka (stjordalkulturskole.no)